Sirdoonka Kenya oo la sheegay inay u hanjabeen Musharixiinta Jubbaland

0
163

Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaladaasi ay xubno ka tirsan sirdoonka Kenya ay kula kulmeen qaar ka mida musharaxiinta Jubbaland, kuwaasi oo ay kala hadleen in ay taageeraan madaxweynaha hada maamula Jubaland ee Axmed Madoobe.

Masuliyiin diiday in magacooda warbahinta loo adeegsado ayaa idaacada kulmiye u sheegay in kulankan uu saaka dhacay ay sirdoonka Kenya la qateen musharaxiinta kala ah Cabdi naasir Seeraar iyo Cabdi Cali Raage, waxaana ay ugu hanjabeen in xayiraad dhaqaale ay Kenya saari doonto hadii aaney taageerin Axmed Madoobe.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa ka taagan khilaf xoogan, iyadoona Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aaney aqoonsaneyn habraaca ay wax ku wadaan gudiga doorashada maamulkasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here