UK oo sheegtay inay hal milyan oo dad Soomaaliyeed ah siiney gargaar Banii-aaddanimo.

0
91

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay hal million oo dad Soomaaliyeed ah ku taageeri doonto gargaar ay ka mid yihiin Raashin iyo Biyo Nadiif ah, si looga hortago gaajo iyo nafaqa darro, sida lagu  daabacay Website gar-gaarka ee Relief.

Wasiirka Africa ee UK Andrew Stephenson ayaa sheegay in UK ay sidoo kale dawo siin doonto dadka Soomaaliyeed ee nugul, kuwaas oo abaaruhu ay ka dhigeen kuwo aan adkeysi lahayn.

Waxaa jira Dad ku dhow 5 million oo gar-gaar u baahan, 1.2 million oo qof ayaa sidoo kale waxaa ay wajahayaan nafaqa darro. Waxaa intaas dheer 2.6 million oo qof in ay guryahoodii uga barakaceen abaaraha iyo dagaaladda dartood, sida ay sheegeen hey’adaha gar-gaarka ee Soomaaliya ka howlgala.

Sidoo kale UK waxaa ay taageero ka geeysaneeysaa talaalka xoolaha iyo daweynta dalaga oo ay ku baxeyso lacag dhan 30 million oo dollar.

“Soomaaliya waxaa la degay Abaaro, malaayiin qofna waxay u baahanyihiin biyo nadiif ah, raashin iyo in nafaqa darro laga daweeyo” ayuu yiri Andrew Stephenson, Wasiirka Africa ee UK.

UK waxay ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyadda Siyaasadda Banii aadanimadda, amaanka iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here