Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Caawa Qoreen Wargeysyada Yurub

0
126

Habeen wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan caawa oo Arbaco ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Manchester United ayaa dadaal walba ku bixineysa isku daygii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay ku soo xerogelin laheyd weeraryahanka Athletic Bilbao Inaki Willian kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 88 milyan euro, sida ay goordheyd shaacisay (El Chiringuito)

Daafaca kooxda Chelsea David Luiz ayaa diiday maanta inuu ka qeyb qaato ee kooxda. Luiz ayaa doonaya inuu ku biiro Arsenal, laakiin ma jirto dalab rasmi ah oo ay Arsenal weli ka gudbisay. – WARKA OO DHAMEYSTIRAN

Inter Milan ayaa maanta dalab cusub ka soo gudbisay Romelu Lukaku, waxaana ay kalsooni ku qabaan inay dhameystiri doonaan saxiixa weeraryahanka Manchester United. (Sky Sports)

Wilfried Zaha ayaa warqad uu ku dalbanayo in la iibiyo u gudbiyay kooxda Crystal Palace. Everton ayaa laga soo diiday shalay dalab 70 milyan ginni + James McCarthy iyo Cenk Tosun oo ay ku dooneysay weeraryahanka Ivory Coast. – WARKA OO DHAMEYSTIRAN

RASMI: Weeraryahankii Arsenal Danny Welbeck ayaa heshiis xor ah ugu biiray kooxda Premier League ka ciyaarta ee Watford isagoo u saxiixay qandaraas seddex sannadood ah. – WARKA OO DHAMEYSTIRAN

Philippe Coutinho ayaa iska diiday heshiiskii amaahda ee ay ku dooneysay kooxda Tottenham laakiin Arsenal ayaa weli rajo ka qabta saxiixa xiddiga Barcelona – WARKA OO DHAMEYSTIRAN

Ka dib markii uu Coutinho iska diiday Tottenham kooxda Spurs ayaa dalab cusub oo qiimihiisa uu gaarayo 60 milyan euro ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Real Betis Giovani Lo Celco. Betis ayaa xiddigeeda ku qiimeyneysa 70 milyan euro. (Sky Sports)

RASMI: Kooxda Jarmalka Eintracht Frankfurt ayaa la wareegtay goolhayihii kooxda Paris Saint-Germain Kevin Trapp kaasoo u saxiixay qandaraas shan sannadood ah. Trapp ayaa markii hore k atagay Frankfurt kuna biiray PSG sannadii 2015.

Sidoo Kale Akhri:  Waa Kuma Daafaca Weyn Ee Chelsea Ee Diiday Tababarkii Maanta Si Uu Ugu Biiro Arsenal?

Tottenham ayaa ka shaqeyneysa inay heshiis kala gaarto ciyaaryahan Dybala dalabkiisa mushahar iyo lacagta dalaalnimo ee ay doonayaan wakiiladiisa. Spurs waxa ay sidoo kale ka shaqeyneysaa muranka la xiriira xuquuqdiisa muuqaalka ee uu kula jiro shirkada Star Image. (Sky Sports)

Wakiilka Romelu Lukaku oo lagu magacaabo Federico Pastorello ayaa jooga Ingariiska isagoo wadahadalo la leh Manchester United, Ajendaha wadahadalkooda waa mustaqbalka xiddigaan iyo maqnaanshihiisa. Lukaku ayaa ku sugan dalkiisa Belgium isagoo tababar la qaadanaya Anderlecht. (Sky Sports)

RASMI: Xiddigii Arsenal Carl Jenkinson ayaa ka tagay kooxda waxaana uu ku biiray Nottingham Forest. Jenkinson waxa uu ka mid ahaa jiilkii uu tababare Arsene Wenger u arkayay inay sarre u qaadi doonaan Arsenal balse fashilmay.

Christian Eriksen uma wareegi doono Manchester United ka dib markii ay soo gabagabeeyeen xiisahooda. Laakiin xiddiga khadka dhexe ee Spurs ayaa qalbiga gashaday inuu u wareego Real Madrid. (Sky Sports)

Arsenal ayaa ka laabatay heshiiskii shaqsiga ahaa ee ay la gaartay daafaca Juventus Daniele Rugani ka dib markii ay Juventus isku fahmi waayeen heshiiska amaahda ahaa, waxaana bedelkiisa ay u weecan doonaan daafaca bidix ee Celtic Kieran Tierney. (The Sun)

Manchester United ayaa diiday dalab amaah ah oo ay kooxda Everton ka soo gudbisay daafaca dhexe ee Ingariiska Chris Smalling. (Manchester Evening News)

Sidoo Kale Akhri:  Saxiixyada La Filayo Inay Dhameystiraan Kooxaha Man United, Arsenal & Tottenham Ka Hor Inta Uusan Suuqa Kala Iibsiga Xirmin Khamiista

RASMI: Ka dib markii ay kooxda Ajax ka tageen xagaagan De Ligt, De Jong, Schone iyo sida ay u badan tahay Van de Beek, waxa ay qandaraas cusub ka saxiixdeen xiddigooda David Neres kaasoo kooxda baaqi ku ahaanaya ilaa iyo 2023.

Advertisements

Xiddigii reer Brazil ee u muuqday inuu ku biirayo Arsenal horaantii xagaagan ee Everton Soares ee u ciyaara kooxda Gremio ayaa haatan la sheegayaa inay xiiseyneyso kooxda Talyaaniga ee Juventus ka dib wacdarihii uu ka dhacay tartanka Copa America. (Marca)

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Danny Drinkwater oo ka mid ah xiddigaha uusan ku tashaneynin tababare Frank Lampard xilli ciyaareedkan ayaa ku dhow inuu amaah ugu wareego kooxda Burnley. (Daily Mail)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here