Wareye ku dhintay Qarax Ismidamin Ah Oo kadhacay Awdheegle

0
112

Sida idacada Hiiraanweyn ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Somalia waxaa weerar ismiidaamin ah saakay lagu qaaday saldhig ciidamada Kumaandooska Somalia ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinaca kalana warar hor dhac ah ayaa sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah uu ku geeriyooday Gacal Cabdulle oo ahaa filim qaade ka tirsanaa Idacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah weriyaasha warbaahita Codka ciidamada oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay geerida allaha u naxariistee Gacal Cabdulle oo muuqaalada gaarka ah iyo sawirada u qaadi jiray warbaahintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here