{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Maa……

0
82

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Word Bank (Bankiga Aduunka) kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Bankiga aduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka, waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bank in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-u dhiska wadooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda JFS.

Ugu danbeyn Wakiilada Bankiga aduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowlada hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kaste oo lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here