{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya oo soo bandhigtay xubno ay ku sheegtay Al Shabaab iyo Daacish

0
98

Dowlada Itoobiya ayaa soo bandhigtay xubno ay ku sheegtay in ay katirsan yihiin kooxaha Daacish iyo Al Shabaab ,kuwaa oo ay sheegtay in ay abaabulayeen falal amaan daro oo ka dhaca qeybo kamid ah Itoobiya.

Warbaahinta dowlada Itoobiya oo soo bandhigtay sawirada xubnahan la qab qabtay ayaa sheegtay in ay abaabulayeen weeraro ka dhan ah amaanka dalkaasi, waxaana xubnahan laga soo qab qabtay magaalooyin kala duwan oo kuyaala Itoobiya.

Xubnahan dowlada Itoobiya ku sheegtay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Al Shabaab oo isugu jira Soomaaliya iyo ajaaniib ayaa laga soo qab qabtay  magaalooyinka Addis Ababa, Jigjiga, Diridhaba iyo Mooyaale.

Sirdoonka dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in xubnahan la qab qabtay ay qorsheenayeen in ay weeraraan Hoteelo iyo goobo kale ay dadku isugu yimaadaan, waxa ayna Sirdoonka sheegeen in xubnahan mudo lagu daba jiray.

Warbaahinta laanta sirdoonka ee dowladda Itoobiya ayaa raggan ay qabteen ku qeexday xubno uu soo dirsaday ururka IS, oo marar badan ku hanjabay inuu weerarro ka geysan doono Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here