{DAAWO SAWIRADA} Shacab iyo Shabaab oo Ku dagaalamay Bakool

0
128

Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Al-dhabaab iyo dadka shacabka uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii xaley ay Al-shabaab xoolo ka ka xaysteen dadka xoolo
dhaqatada ah oo deegaankaas deganaa waxana saaka kadaba tagay dad shacab ah oo isu abaabuley inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Al-shabaab, waxaana markii dambe ay Al-shabaab kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen ciidamada xooga dalka oo ugurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Al-shabaab si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-shabaab

Cabdulaahi Aadan Maxamed waa Taliyaha Ciidanka deegaanka ee Cali Qaran waxaa uuna ku kalifey in ay is abaabulaan oo Hubka ay qaataan.

“waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo geysanayaan Al-shabaab, kadib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalanno arintaasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Cabdulaahi Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here