{DHAGEYSO} Odayasaha Cadaado oo Maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo

0
80

Odayasaha & Waxgaradka Magalada Cadaado oo Maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin waxaa ay u direen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in saacadaha soo socdo uu tago Magalada Dhuusamareeb,isla markaana uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah in uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in Xarunta Baarlamaanka Galmudug ay noqoto Cadaado & in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale Odayaasha & waxgaradka Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb,isla markaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga xalinayo tabashadooda.

Waxaa ay ugu dambeyn sheegeen in iyagu aysan kasoo horjeedin,dowladnimada & dhismaha Galmudug,hayeeshee ay dalbanayaan balantii Madaxweyne Farmaajo uu balan qaaday xilli uu ku sugnaa Magalada Cadaado.

Si kastaba hadalka Odayaasha iyo waxgaradka Magalada Cadaado ayaa kusoo aadaya xilli 21-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2018 uu Madaxweyne Farmaajo Magalada Cadaado u Magacaabay inay noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here