FAAH FAAHIN Haweeney Maanta Lagu dilay Magaalada Baladweyne

0
157

Alaha unaxariistee Haweeneydaan Ganacsatada aheyd ee maanta agu dilay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaliimo ilyees, waxana ay kamid aheyd haweenka qaadka iibiya.

Dilka marxuumada  ayaa yimid kadib markii ay murmeen ayada iyo ninka dilka geysan doono kaas oo doonanan in uu si xoog ah uga qaato qaad ama jaad oo ay gadeeysay.

intaa ka dib ninka dilka geeystay ayaa la so baxay mindi ama tooreey waxana uu dhuunta uga muday marxuumada Geeriyootay sida ay Hiiraanweyn u sheegeen dadkii ku sugnaa Goobota uu dilka ka dhacay.

Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa gacanta ku so dhigay gacan ku dhiiglihii dilay Allaha u naxariisteen Marxuumad xaliimo ilyaas oo kamid aheyd Haweenka ka ganacsado qaadka Magaalada Baladweyne.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here