Messi Iyo Mane Oo Rikooro Isha Ku Haya Caawa Iyo Xogta Ugu Xiisaha Badan Ee Kulamada Caawa Ee Champions League

0
80

Lionel Messi ayaa isha ku haya inuu barbareeyo rikoor uu dhigay halyeeyga Real Madrid Raul marka ay Barcelona caawa oo Talaado ah wajahdo kooxda Borussia Dortmund iyadoo uu bilaabanayo xilli ciyaareedka cusub ee Champions League.

Kabtanka Barcelona ayaa kooxda ku soo laabtay isagoo qeyb ka ahaa ciyaartoydii u safray Jarmalka ka dib markii uu ku maqnaa dhaawac kubka ah, inkastoo ay u badan tahay inuusan ku soo bilaaban doonin.

Kooxda difaacaneysa Champions League ee Liverpool ayaa iyagana kulankooda ugu horeeya waxa ay wajahayaan kooxda Talyaaniga ee Napoli iyadoo Sadio Mane uu doonayo inuu barbareeyo rikoor uu hore u dhigay Didier Drogba.

Waxaan halkaan hoose idiin kugu soo gudbineynaa xogta xiisaha leh ee kulamada caawa oo Talaado ah la ciyaarayo.

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa 14 gool dhaliyay 24 kulan uu saftay Champions League. Haddii uu caawa gooldhaliyo waxa uu barbareyn doonaa rikoorka Didier Drogba kaasoo 15 gool ku dhaliyay 25 kulan waana rikoorka u yaala xiddigaha Afrika ee tartankaan.

Lionel Messi waxa uu shabaqa ka soo taabtay 32 ka mid ah 37 kooxood oo uu ka horyimid Champions League. Haddii uu gool ka dhaliyo Dortmund caawa xiddiga Barcelona waxa uu barbareyn doonaa rikoorka halyeeyga Real Madrid Raul kaasoo 33 kooxood oo kala duwan gool ka dhaliyay tartanka Champions League.

Tababaraha kooxda Lyon Sylvinho ayaa markii ugu horeysay tababare ka noqon doona Champions League, sidoo kale waa tababarihii ugu horeeyay ee aan Faransiis aheyn ee kooxda ku hogaamiya Champions League. Ninka reer Brazil waxa uu ciyaaryahan ahaan soo saftay 32 kulan oo Champions League ah isagoo u soo ciyaaray Barcelona, Arsenal iyo Celta Vigo.

Benfica ayaa ah kooxda kaliya ee mataleysa Portugal xilli ciyaareedkan Champions League, waa markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah ee ay kaliya hal koox oo Portugal ka dhisan ay ka soo qeyb gasho tartanka.

Frank Lampard ayaa markii ugu horeysay tababare ka noqon doona Champions League. Markii uu ahaa ciyaaryahan Chelsea ah waxa uu saftay tartankaan 102 kulan isagoo ka mid ah kaliya 22 ciyaaryahan oo in ka badan 100 kulan u ciyaaray hal koox tartanka Champions League.

Inter ayaa markii 20aad ka soo muuqaneysa Champions League kaliya Juventus (34) iyo AC Milan (28) ayaa ah kooxaha kale ee Talyaaniga ee tiro iyaga ka badan ciyaaray koobkaan.

Borussia Dortmund waxay badiyeen kaliya labo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League ee ay ku ciyaareen gurigooda (2 barbaro, 4 guuldarro), kulankii ugu danbeeyay waxaa 1-0 kaga badisay Tottenham wareegii 16ka ee xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here