Ra’iisul wasaare Kheyre oo Goordhow gaaray Degmada Xudur

0
109

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socdo waxaa Garoonka diyaaradaha Xudur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen,Maamulka Degmadaas,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne farabadan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu boqolaal shacab ah kula hadli doonaa goob fagaaro ah oo ku taalla Degmada Xudur.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here