Sababta VAR Ay U Diidi Weysay Goolkii Watford Ay Ka Dhalisay Arsenal Oo La Sharaxay

0
105

Taageerayaasha Arsenal ayaa aad uga careysan inaan la diidin goolkii ugu horeysay ee ay kooxda Watford dhalisay maanta.

Arsenal iyaga ayaa leh eeda inay iska qasaariyeen hogaan 2-0 ah iyagoo barbaro kala kulmay Watford oo marti loogu ahaa Vicarage Road.

Waxay hadiyad u siiyeen kooxda Watford fursad ay dib ugu soo laabtaan ciyaarta, iyagoo sameeyay qaalad difaacasho.

 

Sokratis Papastathopoulos ayaa kubad u hadiyeeyay Gerard Deulofeu kaasoo kubada u dhigay Cleverley oo shabaqa dhex dhigay kubada.

Roberto Pereyra ayaa ka dib ku barbareeyay rigoore uu galay David Luiz.

Ka dib markii la daawaday ku celiska waxaa soo baxday inay aheyd in la diido goolkii ugu horeysay ee ay dhaliso kooxda Watford madaama uu Deulofeu ay hal lug ugu jirtay xerada ganaaxa markii uu goolhaye Leno kubada u baasayay Sokratis.

Sharciga ayaa dhigaya in marka koox ay kubada soo bilaabeyso in ciyaaryahan koox kale uusan soo gelin karin xerada ganaaxa.

Taageere careysan oo Arsenal ah ayaa Twitter soo qoray: “Kubada cagta Ingariiska iyo garsoorayaasha waxay u nool yihiin riwaayad. Goolka Watford ma aheyn in la ogolaado lagamana ogolaadeyn horyaal kale, sababtoo ah waxaa lagu eegi lahaa VAR.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here