Shirar Xasaasi ah oo looga hadlayo xayiraadii safarka Sheekh Shariif oo Muqdisho ka socda

0
84

Waxaa magaakada muqdisho ka socda shirar kala duwan oo looga hadlayo xayiraadii maanta la saaray diyaarad la filayay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed u qaado magaalada Kismaayo.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa Muqdisho ka socda kulan ay leeyihiin qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka xilalka uga soo qabatay iyo siyaasiyiin caan ah kuwaa oo ka arinsanaya xanibaada maanta lagu sameeyay Sheekh Shariif.

Madaxda qaarkood ayaa gaaray guriga sheekh Shariif ka degan yahay magaalada Muqdisho halkaas ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xayiraada dowlada kusoo rogtay Safarka Sheekh Shariif ee Kismaayo.

Shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in gabo gabadiisa laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo xanibaada dowlada saartay Kismaayo iyo sidoo kale sidii maanta loola dhaqmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyana kulan ka leeyihiin dhacdadii looga hor istaagay Sheekh Shariif in uu ku gaaro magaalada Kismaayo oo lagu waday in uu uga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here