Tababare Sarri Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Liiska Kooxda Juventus Ee Kulanka Atletico Madrid & Juve

0
92

Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa u matalaya kulanya ay habeen dambe booqan doonaan kooxda Atletico Madrid ee ka tirsan wareega Group-yada ee Champions League.

Juve ayaa xilli ciyaareedkan 2019-20 qabta rajada ugu weyn isla markaana doonaysa inuu u noqdo midkii ay ka maydhan lahayd musiibada ka haysata Champions League kana bixi lahayd abaar kasoo haysatay mudo ka badan 20 sano.

Dabcan xilli ciyaareedkii horeba sidan oo kale ayay u sarreysay rajada Juve balse waxa ay ku hadheen gacmaha kooxdii wacdaraha dhigtay ee Ajax oo wareegii siddeed dhammaadka ku reebtay.

Kaddib qalbi jabkaas kale, Bianconeri ayaa si weyn uga adeegtay suuqii xagaagan waxaana ay heleen saxeexyo ay kamid yihiin Adrien Rabiot, Aaron Ramsey & da’yarkii mudada dheer la isku haystay ee Matthijs De Ligt waana sababta galinaysa rajo ka badan midii hore.

Liiskan xiddigaha ah ee uu Sarri soo xushay ayay kusoo baxeen Paulo Dybala, Aaron Ramsey iyo Miralem Pjanic balse waxa seegay kabtanka kooxda ee Giorgio Cheillini iyo Douglas Costa kuwaas oo labaduba dhaawacyo qaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here