Weerarradii warshadaha Saliidda ee Sacuudiga: Muxuu Mareykanka saliidda ugu qarsaday godad ku yaalla dhulka hoostiisa?

0
112

ka dib markii lagu baraarugay weerarradii dhawaan lagu qaaday warshadaha saliidda soo saara ee waddanka Sacuudi Carabiya, Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda ka hadlaya sida uu u anfici karo keydka saliidda ee ay ugu tala galeen inay si deg deg ah ugu baxsadaan marka ay Shidaal la’aan dhacdo.

Iyadoo uu qiimaha Shidaalka sare u kac sameeyay, Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in waddankiisu uu saliiddan u keydsan isticmaali karo, si uu qiimaha suuqyada shidaalka uga dhigo mid xasiloon.

Saliidda uu madaxweyne Trump ka hadlayo waa mid uu xaddigeedu ka badan yahay 640 malyan oo foosto, waxayna ku keydsan tahay godadka dhulka hoostiisa ku yaalla ee gobollada Texas iyo Louisiana.

Fikradda ku saabsan in la keydiyo saliiddan tirada badan ee ee muhiimka u ah Mareykanka ayaa billaabatay sanadihii 1970-meeyadii.

Dhammaan warshadaha caalamiga ah ee Shidaalka dunida bixiya ayaa awooda inay suuqa ku hayaan shidaal la isticmaali karo 90 maalmood, laakiin keydka Mareykanka ayaa ah kan ugu weyn guud ahaan caalamka.

Maxay tahay sababta loo keydiyay?

Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horreysay fikraddan keydinta saliidda ah la yimid horaantii 1970-meeyadii, ka dib markii cunaqabateyn dhinaca saliidda ah oo ay waddamada bariga dhexe sameeyeen ay sababtay in qiimaha shidaalka caalamku uu cirka isku shareero.

Dalalka xubnaha ka ah ururka dhoofinta Shidaalka ee Carabta oo ay ku jiraan Iiraan, Ciraaq, Kuweyt, Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa xilligaas diiday inay shidaal u dhoofiyaan Mareykanka, maadaama uu Israa’iil ku garab istaagay dagaalkii u dhaxeeyay Carabta iyo Israa’iil.

Dagaalkaas ayaa socday muddo saddex isbuuc ah oo ka tirsan bishii Oktonber ee sanadkaas. Laakiin xayiraadda dhoofinta shidaalka – oo sidoo kale lagu bartilmaameedsanayay dalal kale – ayaa socotay ilaa bishii Maarso ee sanadkii 1974-kii.

Waxay arrintaas sababtay in qiimaha shidaalka ee adduunka oo dhan uu qaaliyoobo, wuxuuna halkii uu ka ahaa $3 doolar foostadii gaaray ku dhawaad $12 doolar.

Sawirrada laga qaaday gawaarida safafka dhaadheer ugu jirtay kaalimaha shidaalka ee dalalka ay cunaqabateynta shidaalka saameysay ayaa waji u ahaa xasaradda dhinaca saliidda ee ka jirtay caalamka.

Aqalka wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa sanadkii 1975-kii ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka tamarta iyo keydka. Waxay tallaabadaas sahashay in la abuuro keydka muhiimka ah ee uu Mareykanka ku baxsan karo haddii ay mar kale dhacdo dhibaato dhinaca saliidda ah oo sidaax u baaxad weyn.

Muxuu yahay Keydku?

Wakhti xaadirkan, waxaa jira 4 meelood oo uu ku keydsan yahay shidaalkan: labo u dhow magaalooyinka Freeport iyo Winnie ee gobolka Texas iyo labo kale oo ku kala yaalla duleedka magaalada Lake Charles iyo magaalada Baton Rouge ee gobilka Louisiana.

Mid walba oo goobahaas ka mid ah waxaa ku yaalla god gacanta lagu sameeyay oo hoos u qodan ilaa hal kiiloo mitir, halkaasoo saliidda lagu keydiyay.

Sidan ayaa ka kharash yar kana amaan badan in saliidda lagu keydiyo taangiyo dhulka dushiisa yaalla.

Cusbo lagu daadiyay godadka iyo iyo cadaadiska cufnaanta dhulka ayaa hor istaagaya in saliiddu ay daadato.

Godka ugu weyn ee ku yaalla agagaarka magaalada Freeport ayaa la sheegay inay ku jirto saliid dhan 254 foosto.

Bogga Internetka ee lagu qoro wararka ku saabsan keydkan ayaa 13-kii bishan Sitembar lagu sheegay in shidaalkaas uu hadda marayo 644.8 malyan oo foosto.

Warbixin ay sanadkii 2018-kii soo saareen mas’uuliyiinta waaxda tamarta ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in waddankaas maalintiiba laga isticmaalo saliid dhan 20.5 malyan oo foosto.

Taas micnaheedu waa in Mareykanka keydkiisu uu si fiican ugu filnaan karo muddo 31 maalmood ah.

Goormaa la isticmaali karaa keydkan?

Sida uu dhigayo sharciga la ansixiyay sanadkii 1975-kii, oo uu saxiixay Gerald Ford, Madaxweynaha Mareykanka oo kaliya ayaa amar ku bixin kara in keydkaas la isticmaalo haddii uu waddanku la kulmo “shidaal yaraan aad u baahsan”.

Hase yeeshee saliidda keydka ku jirta ayaa wali ceyriin ah, waxayna u baahan doontaa in la warshadeeyo haddii la doonayo in loo adeegsado shidaalka gawaarida, maraakiibta iyo diyaaradaha.

Waligiis ma la isticmaalay keydkan?

Markii ugu dambeysay ee saliidda keydka ugu jirta Mareykanka la isticmaalay waxay ahayd sanadkii 2011-kii, xilligaasoo ay dhacday shidaal yaraan baaxad leh oo ka dhalatay mudaharaadyadoo la magac baxay guga carabta.

Laakiin Mareykanka ayaa xaddi aad u badan oo ka mid ah saliiddaas iibiyay marar dhowr ah.

Madaxweyne George H W Bush ayaa fasaxay in saliidda keydka ah la isticmaalo xilligii uu socday dagaalkii khaliijka ee sanadkii 1991-kii, halka wiilkiisa George W Bush uu isagana oggolaaday in la iibiyo 11 malyan oo foosto oo keydkaas ka mid ah ka dib markii ay dhacday duufaantii lagu magacaabay Katrina.

Hase ahaatee, waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa micnaha ay leedahay in keydka sidaas u weyn la sameeyo, xilli ay warshadaha tamarta ee Mareykankuhorumar weyn sameeyeen.

Warbixin uu xafiiska la xisaabtanka hay’adaha dowladda soo saaray sanadkii 2014-kii ayaa lagu sheegay in keydkaas uu sababi karo in la raqiisiyo qiimaha shidaalka ay isticmaalaan dadka Mareykanka.

Sanadkii 2017-kii, maamulka madaxweyne Trump ayaa soo hadal qaaday in la iibiyo kalabar ka mid ah keydkaas, si loo dhimo kharashka Mareykanka uga baxa saliidda loo soo dhoofiyo.

Dowladdii madaxweyne Bill Clinton ayaa sanadkii 1097-kii iibisay 28 malyan oo foosto, waxayna tallaabadaasi qeyb ka ahayd qorshaha lagu dhimayo dhaqaalaha Mareykanka uga baxa saliidda uu dibadda kasoo iibsado.

XIGASHO BBC SOOMAALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here