Xarunta Daljir Bosaso oo hawada kusoo laabatay, kadib muddo kooban oo ay hawada ka baxday

0
64

Warbaahinta Daljir xarunteeda magaalada Bosaso oo hawada ka baxday subaxnimadii saakay xilli uu baahayay barnaamijka Muuqaalka Bulshaada ayaa dib ugu soo laabatay hawada , kadib taliye kuxigeenka qaybta booliska gobolka Bari oo shaqalaha idaacadda ku amray inay damiyaan, iyagoo qoryo watay.

Radio Daljir ayaa hawada kusoo laabatay, kadib markii uu go’aan ku gaaray inay kusoo laabato maadaama aysan jirin warqad maxkamadeed oo hawada looga saarayo.

Guddoomiyaha ururka MAP Caysane ayaa u sheegay Daljir inay hawada kusoo laabato, maadaama sida uu sharciga yahay go’aan maxkamadeed hawada looga saari karo.

 

Qoraalka Waxaa So daabacay Wabsaidka Daljir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here