Abiy Ahmed: Muxuu ku muteystay abaalmarinta caanka ee nabadda ee Noble?

0
159

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda abaalmarinta nabadda, sida uu shacaiyaya guddiga bixiya abaalmarintaasi oo fadhigiisu yahay Norway.

Magaalada oslo ayaa lagu guddoonsiin doonaa abaalmarintan bisha Desembar. Waa qofkii boqolaad ee ku guuleysta abaalmarintan oo lacag ahaan u dhiganta $900,000.

Waxaa u tartantay 223 qof iyo 78 hay’adood.

Muxuu ku mutuestay

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea”.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

” Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan”.

Yaa ku guuleystay hadda ka hor

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay 2009-kii doorkii aan caadiga ahayn ee uu ka qaatay diblomaasiyadda caalamiga iyo wada shaqeynta shucuubta adduunka”.

Dadka kale waxaa ka mid ah gabadha u dhalatay Pakistan ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha waxbarashada gabdhaha Malal Yousufzai oo ku guuleystay 2014-kii. Midowga Yurub aya ku guuleystay 2012-kii, Kofi Anan ayaa ku guuleystay 2001.

 

Waa kuma Abiy Axmed

Markii uu Ra’iisal wasaare noqday bishii April 2018-ka ,Mr Abiy ayuu isbadello badan ka hirgeliyay dalkiisa oo loo arkayay qaran ay dowladda gacan bir ah ku haysay.

Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya.

Kumanaan maxaabiis ah ayuu sii daayay oo u badnaa mucaarad. Kuwa kale oo dibad joog ahaa ayaa dalka dib ugu soo labatay. Wuxuu soo afjaray collaadii muddo 20 sano ah dalkiisa kala dhexeysay Eretria.

Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay.

Ra’isal wasaaraha mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Sarreynta sharciga howla aad u badan ayaa noo qabsoomay inkasta oo ay jiraan arrima qaarkood oo u baahan wakhti badan in la geliyo balse aanu billaawnay”

“Tusaalooyinka wanaagsan ee aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah sarreynta sharciga sida aan uga hirgelinnay deegaanka Soomaalida, deegaankaasi oo ku sugnaa xaalad dalka intiisa kale ka duwan”

“Deegaankaasi wuxuu sameeystay 30,000 oo askari oo hubeysan haddii ay dowladda dhexe faregelin inta ay ku sameyso ay xukumaddi jirtay beddeli leheenna waxaaba dhici laheyd inuu deegaankaasi sawirka guud uu dalka Itoobiya leeyahay uu beddeli lahaa” ayuu yiri.

“Tallaabbooyinka aan ku hirgelinnay sarreynta sharcigana waxay sababtay iney dowladda gacanta ku soo dhigto 47 qof oo faldambiyeedyo kala duwan deegaankaasi ka geystay”

“Deegaanka Soomaalidana maanta wuxuu ka mid yahay deegaannada ugu deggan marka loo fiiriyo sidi hore uu ahaan jiray. Taasina waxay ka mid tahay tallaabbooyinka aan qaadnay si buuxdana ugu guuleysannay sanadkii hore” ayuu yiri Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed.

“Sida oo kale dhibaatooyin ka dhacay qayba kala duwan oo dalka ka mid ah dadkii ku lug lahaa oo ay tiradooda 1,000 kor u dhaafeyso dacwad ayaa lagu soo oogay oo maxkamadeyntooda ayaa socota. Laba qof oo dil ku geystay magaalada Shaashamanne ee deegaanka Oromadana xabsi daa’im ayaa lagu xukumay.”

Caqabadaha uu wajahay Abiy Axmed

Iskudhaca Qowmiyadaha

DR Abiy Axmed mar uu ka hadlayey iskudhacyada qomiyadaha dalka Itoobiya ee sii badanaya waxaa uu sheegay iney dad gaaraya 3 milyan oo qof ay ku barakaceen colaado qowmiyadaha ka dhex dhacay.

Halkii sano ee aan xilka soo hayey 1.5 milyan ku dhawaad ayaa deegaannadooda ka qaxday halka 1.5 milyan ee harayna ay xerooyin ku sii jireen xilliga xilka la ii magacaabay.

Aniga oo si kooban uga jawabayo waxaan dhisnay wasaarad la yiraahdo wasaaradda Nabadda oo ku shaqa leh iney dalka gudahiisa nabad ku soo dabbaasho waxaa inaga nala gudboon waxaa weeyey wasaaradda inaan dhinac walba ka taakuleyno inaga oo kaashaneyno shucuubta dalka iyo hoggaamiyeyaasha diimaha iyo dhaqanka.

Khilaafka u dhxeeya deegaanka Tigreega iyo Xukumaddiisa

“Xaqiiqda markaan ka hadalno wey jiraan khilaaf inoo dhaxeeya anaga iyo xukumadda Tigreega laakiin waxa aan isku khilaafsannahay waa waxyaaba yaryar ah oo aan filayo in mustaqbalka la xaalliyo, balse waxaan ka wada shaqeeynaa danaha guud ee dalka iyo deegaanka Tigreeda”.

Wuxuu intaasi ku daray inTigreega oo keli aysan ahayn deegaannada xurgufta kala dhexeysa dowladda dhexe waxaa ka mid ah buu yiri Oromada, Benishaangul , iyo kuw kale.

“Waana ku faraxsanahay inuu maanta deegaan weliba wixii uu raba inuu nagu taageero wixi aan ku kala duwannahayna uu nagu khilaafo muddada sanadka ah fufurnaanta siyaasadeed ee aan dalka ka hirgelinnay ayuu ka mid yahay” ayuu yiri.