Abiy Axmed oo ku guuleysatay abaalmarin Nabadda

0
81

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia mudane Abiy Axmed, ayaa  la sheegay in uu ku guuleystey abaalmarinta Nabadda ee lagu magacaabo  Nobel Peace Prize.

Abiy Axmed oo 43 jir ah, ayaa ku guuleystay qaboojinta colaado daba-dheeraaday oo soo taagnaa ilaa labaatan sano, kuwaasi oo dalkiisa Itoobiya  kala dhexeeyay dalka Ereteriya ee ay jaarka yihiin

Machadka Nobel oo xaruntiisu ay ku taallo magaalada Oslo ee dalka Norway ee bixiya abaalmarintan Nobel Peace Prize, ayaa bogaadiyay isbedelada muhiimka ah ee hogaamiyaha Ethiopia uu sameeyay tan iyo bishii Abriil 2018.

Abiy, waxaa lagu ammaanay sii daynta tobanaan kun oo maxaabiis ah, in uu soo dhoweeyay oo uu xayiraada ka qaaday kooxihii mucaaradka, in uu qiray xadgudubyadii hore ee dalkiisa ka dhacay, in dadku si xor ah ra’yigooda ugu muujiyeen warbaahinta bulshada, in uu ku dhawaaqay in Itoobiya ay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah sanadka 2020.