{AQRISO} Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay duullimaadyada Kismaayo iyo Kenya

0
142

Hey’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa xalay soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee dalka Kenya iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warqadda ka soo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hey’adda ee FIS ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagayay Kismaayo waa la mamnuucay.”

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay, balse 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo, taas oo ay la socdeen madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.