{AQRISO} Xaaf oo soo dhaweeyay guddiga farsamada dhismaha Galmudug

0
149

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Guddiga farsamada dhismaha maamul gobaleedka  Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa  sheegay in uu soo dhaweynayo Magacaabista guddigaan,isla markaana uu qeyb ka ahaa dhisida Guddiga farsamada Maamul u dhisida Galmudug, isaga oo baaq u diray guddiga Cusub iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.