Baarlamaanka UK oo u codeynaya ka bixitaanka Midowga Europe

0
146

Baarlamaanka UK ayaa maanta oo Sabti ah fariistay markii u horreeysay mudoo 37 sano ah si ay ugu codeeyaan  heshiiska ka bixtaanka Midowga Europe ee uu Boris Johnson ka keenay Brussels.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu isku dayayaa in uu Xildhibaanadda ku qanciyo in ay heshiiska taageeraan waxaana kulanka maanta lagu tilmaamay in uu yahay middi caaradeed, sida ay werisay BBC.

Johnson ayaa Xildhibaanadda u sheegay “hadda waa waqtigii wax la qaban lahaa,” isagoo hadalkiisa ku daray in hadii dhib looga dhaco 31-ka October ay tasi bur-bur tahay.

Laakiin Xildhinaabaddu waxay ka doodayaan soojeedin ah in ka bixitanka dib loo dhigo ilaa iyo inta la meel marinayo dhammaan sharciyadda muhiimka ah.

Afayeenka Baarlamaanka John John Bercow ayaa doortay in sixitaan la sameeyo, taasi oo haddii la meel mariyo ra’iisul wasaaraha uga baahan in uu waqti dheeri ah weydiisto Midowga Europe.

Si kastaba Xildhibaano badan ayaa la filayaa in ay heshiiska ka codeeyaan.