Ciidamada Puntland oo miino baaris ka sameeyay Galgala.

0
170

Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa howlgal miino baaris ah waxaa ay ka sameeyeen waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala, waxaana la sheegay in  Miinooyinkan  ay ku aaseen Al Shabaab.

Miinooyinkaas ayaa saraakiisha Maamulka Puntland  waxay sheegeen in la doonayay in lagu qarxiyo ciidamada Puntland ee saldhigyada difaac ku leh aaggaas.

Saraakiisha ayaa intaasi hadalkooda waxaa ay ku dareen in dhawaan Al-Shabaab ay ka saari doonaan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala, maadaama halkaasi ay ku xoogan yihiin.

Dagaalamayaasha Al-shabab ayaa horey ciidamo iyo saraakiil katirsan ciidanka Puntland ku dilay, halka kuwa kalana  ay ku  dhaawacmeen, kadib markii Miinooyin ay ku qariyeen waddooyinka ciidamadu isticmaalaan.