{DAAWO SAWIRADA} in kabadan 100 qof oo Kulan wacyi gilin ah loogu qabtay Dagmada Bulo-burte

0
210

in kabadan 100 qof oo ka kala socdo qeybaha Bulshada sida ururka haweenka dhlinyarada mamulka Dagmada Iyo Odayaasha haqanka  Magaalada Bulo burte ee Gobolka hiiraan.

 

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Dagmada bulo burte xasan Axmed cilmi ayaa shegan dhismaha golaha deegaanka in ay tahay wax wanagsan oo horumar lagu gaari karo loona baahan yahay in la garab istaago.

 

sidoo kale xubno ka socdo Ururka haweenka ayaa dagmada Bullo burte ayaa siweyn u taageeray dhismaha Golaha deegaanka waxana ay ku taliyeen in la ilaaliyo qoondada dumarka oo ah mid dhiiri gilineyso Haweenka hadii ay ka helaan dhismaha Golaha deegaanka.

Odayasha dhaqanka dagmada bulo-burte ayaa so jeediyay in la dadajiyo dhismaha Golaha deegaanka waxana ay dadka reer bulo burte kula taliyeen in ay kaalintooda qataan  madaama ay dhimaha golaha deegaanka ay faa ido u tahay Bulo burte.

 

Gudoomiye ku xigeenada maamulka Dagmada bulo burte ayaa si wanaagsan u so dhaweyay qaabka y u socoto shaqada dhismaha Golaha deegaanka waxana ay ugu baqeen shacabka dagmada bulo burte in ay ka faaideystaan Golaha deegaanka.

 

kulankan oo ahaa mid lagu wacyi gilinayay bulshada siidii ay uga eyb qdan lahayeen dhismaha Golaha degaank dagmada bullo burte ayaa waxaa ka hadlay  kulanka ku simaha Gudoomiyaha Dagmda bulo burte liibaan burusoow oo ku dheeraaday faa idada ay golaha deegaanka ay u leedahay bulshada deegaanka.

 

Kulankan ayaa waxaa so qaban qaabiyay Wasarada Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle iyo hayadaha Ka taagero dhismaha Golaha Deegaanka.

Yuusuf Sugaal Xasan

Radio Hiranweyn

Magaalada Bulo Burte