{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray Dugsiga Tababarka

0
102

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, si uu u furo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, halka Ciidanka Baambayduna ay garaacayeen Heesaha Astamaaha Qaran.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbad ka jeedin doona furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka oo haatan ka socota Xarunta Jeneraal Kaahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here