{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay oo gaaray Kismaayo

0
170

Magalaada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Magalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay Kismaayo u tageen ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale daqiiqadaha soo socda ayaa la filayaa inay Magaalada Kismaayo ay gaaraan Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.