{DAAWO SWIRADA} Wafdi uu Hogaaminaayo Xasan Shiikh Maxamuud Oo u Ambabaxay Kismaayo

0
157

Wafdi balaaran oo ka socda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, uuna hoogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Hassan Sheikh Mohamud, ayna qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka ambabaxay Muqdisho ayagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Xasan sheikh iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doono Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Jubbland ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo.