Dagaal ku dhex maray duleedka Jowhar ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab

0
122

Wararka ka imanaya deegaanka Deyma-Same ee duleedka Koofur Bari ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya  in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray ciidamada dowlada federalka iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in iskahorimaad oo socday muddo saacad ah uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse  illaa  iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Iskahorimaadkan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay  diideen in la xiro wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaanka Deymo-Same.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si ulakac ah ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay u fatahiyeen wabiga Shabelle gaar ahaan buqda Deyma-Same.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaano ku yaal hareeraha wabiga Shabelle gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.