Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Ka Baaqday Safar Uu Ku Tegi Lahaa Jalalaqsi

0
121

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo wafdi la socday oo Maanta safar ku tegi lahaa Degmada Jalalaqsi ee Gobolkaas ayaa ka baaqday.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in diyaarad Ciidan oo Guddoomiye Caraale u qaadi laheyd Jalalaqsi ay baaqatay sababo aan weli la shaacin.

Ujeedka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Jalalaqsi ayaa waxaa uu ahaa sidii uu soo xalin lahaa shaqaaqo dhawaan halkaas ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan maamulka degmadaas iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Sidoo kale muddo saddex maalmood wax diyaarad kama soo degin Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne,kadib markii daadad xoogan ay ku rogmadeen halkaas.