Ibrahimovic Oo Eedeeyay u jeediyay Tababaraha Xulka qaranka Sweden

0
64

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku eedeeyay tababaraha xulka Sweden Jan Andersson inuu iska indhotiro ciyaartoyda reer Sweden ee asalkooda uu soo galooti yahay.

Xiddiga wacdaraha ka dhigaya horyaalka Mareykanka ee Ibrahimovic ayaan u ciyaarin wadankiisa tan iyo ciyaarihii Qaramada Yurub ee 2016, waxaana uu damcay inuu soo laabto Koobkii Adduunka ee 2018 laakiin ma aysan dhicin.

Waxa uu haatan weerar ku qaaday tababaraha xulka Sweden oo uu ku eedeeyay inuu kaliya u soo yeerayo ciyaartoyda cadaanka ah oo uu iska indhotirayo ciyaartoyda asalkooda uu soo galooti yahay.

“Ciyaartoydii ugu horeysay ee uu u soo yeeray maxaa dhacay?” ayuu Ibrahimovic su’aal ka keenay.

“Immisa ayaa aheyd ciyaartoy ka soo jeeda meelo kale? kuma jirin ciyaaryahan asalkiisa meel kale uu ka soo jeedo.

“Markii la weydiiyay, waxa uu kaga jawaab celiyay calaacal badan. Ciyaartoydii labaad ee uu u soo yeeray waxa uu soo wacay qaar ka mid ah xiddigaha asalkooda uu meelo kale ka soo jeedo si uu eedeymaha isaga weeciyo.”

Boqolkiiba 20 dadka ku nool Sweden waa dad asalkooda uu ka soo jeedo wadamo kale, waana sababta ka careysiisay Ibrahimovic inuu xulka ku arki waayo xiddigo matala dadkaas.

38 jirkaan ayaa aaminsan in tababare Anderson uu xulka Sweden dib u celinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here