Madaxweynayaashii hore Ee Soomaaliya oo kulamo kawada kismaayo

0
115

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland waxaa garay madaxweynayaashii hore ee Somalia madaxda madaxweynaha Puntland Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira.

Kadib tegitaankoodii Kismaayo waxaa xalay dhacay kulamo is xog wareysi ah oo ay yeesheen madaxweynaha Jubbland iyo masuuliyiinta kale ee gaaray Kismaayo,iyada oo si gaar ah la iskaga xog wareystay xaaladda Siyaasadeed ee dalka khilaafka dowladda iyo Jubbland.

Hadalo ay jediyeen qaar ka mid ah madaxda gaartay Jubbaland waxa ay kaga hadleen habdhaqanka dowladda ee maamul-gobaleedyada iyo xaaladda amniga dalka iyo sida dowladdu ugu dhegantahay la macalil la’aanta siyaasiyiinta iyo dowlad-gobaleedyada.

Masuuliyiintaan ayaa ka qeybgelaya caleema saarka madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo lagu wado in ay dhacdo maalinta Axadda ah ee soo socota.