Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Kismaayo

0
131

Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan caleema saarka madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland, kaasi oo lagu faahfaahinayo safarka madaxweyne Deni uu ku aaday magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynihii hore ee Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano iyo Wufuud kale oo la socday ay gaareen Magaalada Kismaayo.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba diiday  doorashadii ka shacday Jubbaland waxayna sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadaas, sidoo kalena waxay ku dhawaaqday in ay dib ugu celin doonaan doorashada jubalanad iyadoo soo bandhigtay hab-raaca doorashada Jubaland.