Mareykanka Kurdiyiintu danta uu ka leeyahay maxay tahay ?

0
136

Sida uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay xulafeysiga uu Mareykanka la leeyahay xoogagga kurdiyiinta ayaa ah mid aan muhiimad badan laheen, wuxuuna carrabka ku dhuftay xilligi uu socday dagaalkii labaad ee adduunka iney kurdiyiintu Mareykanka ka garab dagaallamin.

Xiriirka taariikhiga ah ee labada dhinac ka dhaxeeya inkasta oo uu noocaasi yahay haddana Kurdiyiinta Suuriya ku nool waxay noqdeen xulafo iyo saaxibbo aad ugu dhaw Mareykanka.

Dalka Mareykanka dagaalladi sokeeye ee ka dhacay Suuriya wuxuu kaga qayb galay si taxaddar leh. Wuxuuna Mareykanka uu si weyn uga soo horjeestay xukumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashar al-Assad, balse danta ugu weyn uu ka lahaa inuu dagaalka Suuriya ka qayb galana waxay ahayd inuu ka hortago isballaarinta uu ururka isku magacaabay Dowladda Khaliifada Islaamka ee IS uu ku hayey dhulka aan dowladda Suuriya gacanteeda ku jirin.

Dhammaan dhinacyadi dagaalkaasi qaybta ka ahaa oo ay ka mid yihiin Turkiga, waddamada Khaliijka iyo kuwo kale waxay gacan siinayeen kooxo kala duwan oo dalkaasi dagaallo ka waday iyaga oo rajeeynayey iney u adeegsadaan xil ka tuuridda Xukumadda Bashaar al Assad.

Xoogaggaasi dhammaantoodna waxay xoogga saareen la dagaallanka kooxaha ay ugu magacdareen aragagixisada halka ay dalka Suuriya dib u dhisi lahaayeen, Mareykankana wuxuu ogaaday iney jiraan dagaalyahanno si weyn isaga caabiyey dagaalamayaasha IS oo laf dhuun gashay ku noqday.

Mareykanka oo marar badan isku dayay inuu miliishiyaadka IS ka soo horjeedo uu hubeeyo tababarrana uu siiyo waa uu ku guul darreystay oo mararka qaar waxaaba dhaceysay hubka Mareykanka uu ku hubeeyey miliishiyaadka uu garabka siinayo, iney si fudud ay ugu gacan galaan dagaallamayaasha IS.

Ugu dambeynti ,Washington waxay u wareegtay dhinaca xoogagga Kurdiyiinta. Taasoo u horseedday dhibaatooyin diblumaasiyadeed. Sababta oo ah shacab Kurdi ah oo aan yareen ayaa ku nool waddama badan oo ku yaalla barga dhexe sida Turkiga, Suuriya iyo Ciraaq. Waxayna Kurdiyiintu waddamadaasi ka wadaan dagaallo ay ku doonayaan sidi ay u heli lahaayeen dal ay kurdiyiintu leeyihiin oo madax bannaan.

Dalka Turkiga waxaa ka dagaallama urur gooni u goosad ah oo loo yaqaanno Ururka Shaqaalaha Kurdistaan ee PKK wuxuuna in mudda ah uu dagaal kula jiray dowladda turkiga, halka ay dowladaha Mareykanka iyo Turkigana ay PKK u aqoonsadeen argagixiso.

Xadka ay Suuriya iyo Turkiga wadaagaan waxaa sida oo kale ka dhaqdhaqaqa koox lagu magacaabo YPG oo xiriir la leh ururka PKK ee Turikiga ka dagaallama. Haddaba waa kooxdan tan ugu muhiimsan ee ay isku baheysateen maleeshiyaad kurdiyiin iyo carab isugu jira oo ay Washington gacansiinta ugu weyn ay siiso.

Marxaladda siyaasadda ee gudaha Kurdiyiintu waa mid wajiya badan. Sida oo kalana waxaa arrintan xiisa gaar ah u yeelaya inuu madaxweyne Trump laftiisa oo isku daray ama mideeyey labada kooxood ee kurdiyiinta ah waa PKK iyo YPG.

Balse Turkiga ayaa aaminsan iney xoogaha ku kala duwan yihiin. Ankara waxay kooxaha Kurdiyiinta ay u taqaannaa argagixiso halka uu Mareykanka garab uu siinayo cadowga qaranka Turkiga.

Go’aanka Washington ay qaadatay iney Kurdiyiinta qalab iyo tababarraba ay ku caawiso waxay yareysay kala qaybsanaanti. Waxayna xaqiijiyeen labada kooxoodba iney yihiin xoogag muhiim ah oo loo baahan yahay kaalin mug lehna ay ku lahaayeen ururka IS in looga guuleysto dalka Suuriya.

Sida oo kale Mareykanka wuxuu qaadday tallaabba uu xiisadda Turkiga kala dhaxeysa uu ku dajineyso, waxaana tallaabbooyinkaasi ugu dambeeyey howlgallada ay ciidamada Turkiga iyo kuwa Mareykanka si wadajir ah uga sameeyeen deegaannada xadka Suuriya iyo Turkiga ku gadaaman. Ciidamada Mareykanka iney waxyar ka hor howlgalka Turkiga uu billaabay ay halkaasi ka baxaan iyaduna waa ka mid tallaabbooyinkaasi.

1972-kii qayb ahaan Washington waxay hubeysay Kurdiyiinta Ciraaq, si ay dowladda Baghdad ka arrimisa ay ula dagaallamaan. Balse Shah ayaa markiba Ciraaq iyo Kurdiyiintaba heshiis la galay oo howshiba sidaa ku soo afjaray.

Si la mid ahna waxay arrimuhu u dhaceen marki uu Mareykanka ciidamada Ciraaq uu ka saarayey Kuwait 1991-kii.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaas George HW Bush (Buushki weynaa) wuxuu kurdiyiinta Ciraaq uu ugu baaqay iney xukumadda Saddaam Xuseen ay dagaal kaga soo horjeestaan. Xoogaha taageera ah ayey baaqa Mareykanaka kurdiyiintu u muujiyen balse sidi la rabay manoqon.

Haddaba hadalka Madaxweyne Trump ee ah xulafeysi, haddii uu ula jeedo Kurdiyiinta ama gaashaanbuurta NATO waxaa looga fadhiyaa inuu si taxaddar leh uu u wajaho muddo gaabanna uu ku lafaguraa oo isweydiiyaa Mareykanka muxuu helayaa muxuusa waayayaa haddii uu khilaafka uu sii xoogeysto?

Haddaba arrimahan oo dhan marka la isku geeyo waxaa ka dhalanaya su’aala ay ka mid yihiin siduu noqonayaa xiriirka ka dhaxeyn kara xulafada muhiimka ee Mareykanka kaasoo ah Turkiga. Dagaalka uu Turkiga Suuriya ka billaabayna waxay khatar weyn ku keeni kartaa guud ahaan xiriirka uu Turkiga la leeyahay waddamada reer Galbeedka.

Iyada oo ay horayna u jirtay Turkiga inuu dhawaan ka iibsaday gantaallada casriga ah ee difaaca hawada uu Ruushka Sameeyey, taasoo keentay in laga saaro mashruuca lagu sameynayo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka F-35 uu Turkigu kaalin ku lahaa.

Dhammaan dhinacyada arrimahan isku hayo oo dhan waxaa soo food saaray khatar. Mr Trump wuxuu ka digay haddii Turkiga dagaalka uu sii wado inuu dhaqaalaha dalkaasi uu dukundaakun ka dhigayo.

Madaxweyneha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu isaguna waddamada reer galbeedka uu uga digay haddii ay cambaareynta ay ku hayaan tallabbada Turkiga ay sii wadaan malaayiinta qoxootiga uu dalkiisa ku hayo uu ka horjoogo waddamada yurub, inuu albaabada u furayo si ay waddamada Yurub u qarqinayaan.

Waxaana sida oo kale xusuus mudan dhammaan waddamadaasi waxay xulafo ku wada yihiin gaashaanbuurta NATO.

XIGASHO BBC