Maxkamadda gobolka Nuugaal oo maanta dambi ku weysay rag loo heystay kufsi

0
213

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi.

Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamaddu aysan haynin wax caddeymo ah in raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda.

Maxkamaddu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed, halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis kufsi ah.

Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay go’aanka maxkamaddu gaartay.

Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamadda la horkeeno eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay sida ay sheegeen xubno ka tirsan hey’adaha garsoorka maamulka Puntland.