Munaasabad lagu caleema saarayo Seerar iyo Xidig oo ka socota Kismaayo

0
159

Munaasabada caleema saarka Cabdi naasir seeraar iyo Cabdi rashiid xidig  oo sheegtay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubaland ayaa haatan ka socota magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose .

Madasha munaasabada ayaa waxaa ku sugan xildhibaano u badan gudiga is badal doonka ah inkastoo aysan ku sugneen halka ay ka socoto munaasabada marti sharaf kasoo qeyb gashay ama lagu casuumay intaba

Kaafiyo Cabdi faarax  oo ah gudoomiye ku xigeenka garabka  is badal doonka oo la hadashay idaacada kulmiye ayaa sheegtay in ay munaasabada  lagu caleema saarayo madaxweynayaasha ay haatan si wanaagsan u socoto.

iyadoona intaas ku dartay munaasabada kadib ay qorsheynayaan in ay qorsheynayaan inay banaan ka dhigi doonaan Magaalada Kismaayo

Waxaa sii adkaanaya xaalada siyaasadeed ee kajirta magaalada kismaayo iyadoona caleema saarkan uu daba socdo caleema saar shalay kismaayo ka dhacay kaas  oo lagu caleema saaray Axmed Maxamed islaam madoobe

Dowlada soomaalia ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsaneen dhamaan doorashooyinkii ka dhacay magaalada kismaayo .kn