Real Madrid, Juventus iyo Man City, oo guulo gaaray iyo dhamaan natiijooyinka kulamadii xalay laga ciyaaray Champions League

0
145

Waxaa caawa la ciyaaray kulamda saddexaad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Juventus, Machester City, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Kooxda reer London ee Tottenham Hotspur ayaa caawa guul weyn kaga gaartay dhigeeda FK Crvena Zvezda, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, waxayna goolasha kaga mahadcelineysaa xiddigaheeda kala ah, Harry Kane, Erik Lamela iyo Heung-Min Son oo 2 gool dhaliyay.

Dhinaca kale Manchester City ayaa ku xasuuqday kooxda reer Talyaani ee Atalanta 5-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaha Sergio Aguero oo 2 gool ah iyo Raheem Sterling oo saddexley dhaliyay.

Sidoo kale Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Allianz Stadium naadiga ka dhisan dalka Ruushka ee Lokomotiv Moscow, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, waxaana labada goolba u dhaliyay Paulo Dybala.

Si la mid ah kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa guul ka soo gaartay kooxda reer Turky ee Galatasaray oo ay booqatay, waxayna kaga soo adkaatay 0-1, iyadoo goolka uu u dhaliyay xiddiga reer Germany ee Toni Kroos.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii saddexaad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP A

Club Brugge 0 – 5 Paris Saint-Germain

Galatasaray  0– 1 Real Madrid

GROUP B

Olympiacos 2 – 3 FC Bayern München

Tottenham Hotspur 5 – 0 FK Crvena Zvezda

GROUP C

Shakhtar Donetsk 2 – 2 Dinamo Zagreb

Manchester City 5 – 1 Atalanta

GROUP D

Atletico Madrid 1 – 0 Bayer Leverkusen

Juventus 2 – 1 Lokomotiv Moscow.

SAWIRRO: