RW Kheyre oo ku baaqay midnimo iyo ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.

0
97

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay muqdisho ayaa ku baaqay midnimo iyo ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in qof walba oo Soomaali ah muxaafid iyo mucaarad looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudkeena Baddeena iyo madax banaaninadeeda,isla markaana taariikhda ay qori doonto.

” Qof walba oo naga mid ah, mucaarad iyo muxaafid oo fursad u hela inuu qarankiisa metalana, waxaa uu taariikhda ku geli doonaa sida uu u ilaaliyo, qarinimada, madaxbannaanida, Midnimadda iyo ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.