Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Crystal Palace

0
173

Arsenal ayaa rajeyneysa inay wadada guusha ku soo noqoto caawa iyagoo Emirates Stadium ku soo dhaweeyaan kooxda kale ee reer London Crystal Palace.

Kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka Premier League, Arsenal waxa ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda ku cusub horyaalka xilli ciyaareedkan ee Sheffield United.

 

Tababare Unai Emery ayaa ku soo bilaabay Nicolas Pepe kaasoo labo gool oo laad xor ah uu dhaliyay xilli danbe ku saaciday inay Arsenal ka badiso kooxda Vitoria kulankii Europa League ee Khamiistii.

Waxaa isna soo laabtay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo isna la nasasiiyay kulankii bartamaha isbuuca, halka Alexandre Lacazette oo isna dhaawac ka soo laabtay uu ku soo bilowday kulanka caawa.

Mesut Ozil ayaa weli musaafuris ku maqan weli isagoo aan xitaa kursiga keydka la soo fariisinin, waxayna tani sii kordhin doontaa carada taageerayaasha Gunners.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal: Leno, Chambers, Sokratis, Luiz, Tierney, Xhaka, Guendouzi, Ceballos, Pepe, Lacazette,

Crystal Palace: Hennessey, Ward, Tomkins, Cahill, Van Aanholt, Milivojevic, Kouyate, McArthur, Townsend, Ayew, Zaha.

Keyd: Henderson, Dann, Meyer, Schlupp, Benteke, McCarthy, Kelly.