Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Tottenham

0
115

Liverpool ayaa caawa martigelineysa kooxda Tottenham kulanka isbuuca 10aad ee horyaalka Premier League iyagoo doonaya inay ku soo laabtaan wadada guusha.

Reds ayaa barbaro 1-1 ah kala kulantay Manchester United isbuucii la soo dhaafay, guul ay caawa gaaraan waxa ay ka dhigan tahay in ku soo laaban doonaan hogaanka lix dhibcood ah.

Tottenham ayaa xilli ciyaareedkan waxay ku bilowdeen si aan fiicneyn, waxayna wajahayaan Liverpool markii ugu horeysay tan iyo kulankii finalka Champions League oo guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa ku soo celiyay Alexander-Arnold kaasoo xumad ku seegay kulankii Champions League ee Genk halka Lovren uu ka garab ciyaarayo Virgil van Dijk madaama uu Joel Matip taam buuxda aheyn.

Dhanka weerarka waxaa sida caadiga aheyd ku soo wada bilowday Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Tababare Pochettino ayaa isna ku tashanaya in weeraryahankisa Harry Kane uu kooxda guul ku hogaamiyo kulanka caawa ee Anfield.