Tahriibayaal ku dhintay shil ka dhacay Somaliland

0
165

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 10 ruux ay dhinteen halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay duleedka bari ee Magaalada Berbera.

Dadka dhinta oo u badan Oromo ayaa la sheegay in ay ahaayeen tahriibeyaal u socday Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Khasaaraha intaa la eg waxaa sabab u oqday isku dhaca laba gaari oo midkood nooca xamuulka qaada uu yahay.