Waa Maxay Sababta Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Looga Mamnuuci Karo Inay U Safraan Ingariiska Xitaa Haddii Ay Ciyaarayaan Champions League?

0
50

Haddii UK ay ka baxdo Midowga Yurub iyadoo aan heshiis la gaarin 31ka bishaan October, qof walba oo lagu helay danbi canshuur lunsi ah ayaa loo diidi doonaa inay u safraan UK.

Wadahadalada ay UK ugu jirto inay ka baxdo Midowga Yurub ayaa si weyn loo hadal hayaa iyadoo la filayo inay ka baxaan Midowga Yurub wixii ka danbeeya 31ka bishaan haddii heshiis la gaaro iyo haddii kale.

 

Iyadoo saameyn weyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale ay yeelan doonto, hadana waxa ay sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa xiddigaha sida Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

UK oo ka baxda Midowga Yurub waxay ka horjoogsan doontaa qaar ka mid ah xiddigaha waa weyn inay galaan wadanka ka dib 31ka bishaan October sababo la xiriira sharci cusub oo dhaqangalaya kaasoo u diidaya dadka danbiyada galay inaysan UK booqan karin.

Sharcigaan ayaa saameyn ku yeelan doona qorshaha kooxaha ka qeyb galaya Champions League iyo Europa League, iyadoo qareen lagu magacaabo Andrew Osborne uu sharaxaad ku bixiyay: “Haddii aad tahay qof dhalasho ka heysta wadamada Midowga Yurub islamarkaana laguugu helay danbi ama lagu xukumay waxaa laguu diidi doonaa inaad soo gasho UK.”

Ciyaartoyda uu sharcigaan saameynayo waxaa ka mid ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaasoo labadaba lagu helay danbi ah inay canshuur lunsi ku sameeyeen Spain, waxaa la mid ah Marcelo iyo Diego Costa.

Messi waxaa lagu xukumay xabsi 21 bilood ah sannadii 2017 laakiin markii danbe waxaa loo bedelay ganaax lacageed halka Ronaldo lagu xukumay xabsi 23 bilood ah iyo ganaax gaaraya 18.8 milyan euro sannadkan iyadoo xukunka xabsiga hakad la geliyay.

Waxay taasi la micno tahay haddii UK ay ka baxdo Midowga Yurub iyadoo aan heshiis la gaarin inay sababi doonto in midkoodna xiddigaha Barcelona iyo Juventus aysan kooxahooda ku matali karin carada UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here