Wararkii Ugu dambeeyay Qaban qaabada kulamo hor leh oo ka socota Kismaayo

0
105

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay shir ku yeelan doonaan madaxdii hore ee soo maray Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamulka Jubbaland.

Shirka ayaa intiisa badan waxaa looga hadli doonaa xaalada dalka uu xiligan marayo iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Xubnaha shirkan ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheikh Maxamuud, Shariif sheikh Axmed, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid CabdullaahI Dani, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Soomaaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland, sida Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe).

Lama oga go’aanka ay ka soo saari doonaan shirkooda, madaxdan ayaa shalay waxaa ay ka qeyb galeen xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed madoobe oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.