Wasaaradda arrimaha gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug

0
122

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay  ka koobanyihiin  13 Xubnood.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Guddiga ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, ku xigeenka iyo xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in guddigaan la Magacaabey laga sugayo Go’aanadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.