Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay Caasimadda dalka Chile

0
125

Xaalad deg-deg ah ayaa looga dhawaaqay caasimadda dalka Chile ee Santiago kadib markii dibad baxayaashu ay weerareen xarun lagu iibiyo tikidhadda tareenadda lagu raaco.

Dadka dibad baxa dhigaya oo intooda ugu badan ay yihiin ardayda iskuuladda iyo kuwa jaamacadaha ayaa weeraray xarun tareenadda laga raaco oo dhulka hoostiisa ku taala, waxay dab ku shideen wadooyinka waxaayna waxyeelo gaarsiiyeen dhismooyinka Dowladda.

Sawirro uu baahiyay Telifeshinka Dowladda ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo dhagaxyo ku tuuraya ciidamadda Booliiska iyo Ciidanka oo gaaska dadka ilmeeysa u adeegsanaya dadka. Waxaa gubtay ugu yaraan hal gaari oo ciidanku leeyihiin.

Dadku waxay ka cabanayaan sinaan la’aanta dhaqaalaha waxaana qaali noqotay nolosha magaaladda Caasimadda ah ee Santiago.

Madaxweynaha Chile ayaa sheegay in xaaladda deg-degga ah looga goleeyahay in lagu soo celiyo kala dambeyntii wadanka.