Xiddigii ugu fiicanaa horyaalka Premier League bisha September oo lagu dhawaaqay

0
89

Ururka kubadda cagta ciyaartoyda ee PFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicanaa horyaalka Premier League bisha September.

Daafaca kooxda Liverpool ee Joël Matip ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican bisha September ee horyaalka Premier League.

Joël Matip ayaa bandhig fiican ka sameeyay kooxda Liverpool bishii September ee lasoo dhaafay, wuxuuna door weyn ee muuqdo ku lahaa guulihii ay Reds gaartay 8-dii kulan ay ka ciyaartay horyaalka Premier League, iyagoo 8 dhibcood nadiif ah ka sareeya kooxda booska labaad ku jirta ee Manchester City.

 

Matip ayaa u ciyaaray kooxda Liverpool 3 kulan oo horyaalka Premier League ah bishii September ee lasoo dhaafay, isagoo badiyay dhamaantood, waxaana laga dhaliyay 1 gool ee 1 kulan ah.

Daafacan reer Cameroon ayaa ku garaacay abaal-marintan xiddigaha kala ah Kevin De Bruyne, Pierre-Emerick Aubameyang, Riyad Mahrez, Ricardo Pereira iyo Callum Wilson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here