Ciidanka Amniga oo soo bandhigay labo ruux oo falal amni daro ka geystay Muqdisho

0
133

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa degmada Dayniile kusoo bandhigay labo nin oo sheegeen in ay  xalay ay soo weerareen goob laga ilaaliyo deyniile.

Labada nin ayaa waxaa gacanta dhigay Ciidanka Ammaanka, waxaana galabta soo bandhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Labadda ruux ee lasoo bandhigay ayaa mid ka mid ah waxaa uu ka dhaawacnaa lug.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan Caddaaladda loo horgeyn doono labada Ruux.

Ciidanka Ammaanka ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ku dhigay labo ruux oo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.