{DAAWO SAWIRADA} Dhalinyarada Gurmadka Baladweyne oo Dee lacageed u qeybiyay 140 qoys

0
105

Deeqdan lacageed ee maanta la gaarsiyay in kabadan boqol iyo afartan qoys oo ku nool xaafada Buundoweyn  waxana ay kamid yihiin dadkii ay saameysay fatahaada Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

kaalmadan lacageed ee la so marsiyay dhalinyarada Gurmadka Baladweyne ayaa waxaa so dhiibay walaalo soomaaliyed oo ku kala nool wadanka dibadiisa kuwaas oo ka damqaday dhibaatada ka dhacday Baladweyne .

walaalaha lacagta soo dhiibay ayaa kala ah

1-maxamed Macoow.

2-cabdicasiis  Xuuriye.

3-cabdiraxmaan shiikh cilmi waxna ay ka so aruuriyeen wadamada ay ku noolyihiin

deeqdan maanta la gaarsiyay dadka ku nool xaafada buundoweyn ee Magalada Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka tahay gurmadka dhalinyarada Baladweyne ay u sameynayaan dadkii ku wax yeeloobay Fatahaada wabiga ee Magaalada Baladweyne.

Farax cabdi Cali oo kamid ah dhalinyarada Gurmadka Baladweyne ayaa u mahad celiyay walalihii soo dhiibay kaalmadan lacageed.

 

Maxamed cabdulaahi buraale raaxeeye oo kamid ah dhalinyrada Gurmadka ayaa sheegay in maanta lagaarsiyay 140 qoys oo kamid ah dadkii ay saameysay Fatahada Magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan .