Mesut Ozil Sameynayaa Si Uu U Xaqiijisto Booskiisa Shaxda Arsenal?

0
180

Daafaca kooxda Arsenal Saed Kolasinac oo ay saaxiibo dhow yihiin Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Jarmalka uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu xaqiijisan lahaa booskiisa kooxda oo uu tababare Unai Emery u diiday xilli ciyaareedkan.

Kolasinac ayaa wareysi uu bixiyay maanta ku sheegay in Mesut Ozil uu tababar dheeri ah sameynayo si uu uga mid noqdo xulashada tababare Unai Emery.

Xiddiga Jarmalka ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo kulanka ay Arsenal berri oo Sabti ah la ciyaari doonto kooxda Wolves isagoo wacdarro dhigay kulankii Liverpool ee Carabao Cup oo lagu soo bilbaaya.

“Mesut waa Mesut. Waxa uu leeyahay tayo badan oo gaar u ah” ayuu yiri daafaca.

“Tusaale ahaa kooxda naga soo horjeeda waxa ay u baahaneysa in labo ciyaaryahan ay raacdaan isaga bedelkii uu hal kaliya raacan lahaa taasoo boos u baneeneysa ciyaartoyda kale. Waxay taasi kala duwanaansho ku keeni kartaa natiijada ciyaarta.

“Qof walba ayaa ogsoon tayadiisa, waana aragnay. Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Yurub, waxa uu sameyn karaa wax badan, waxaana uu caawin karaa kooxda marka uu soo laabto.”

Kolasinac ayaa xaqiijiyay in Ozil uu ka careysan yahay inaan la siinin waqti uu ku ciyaaro xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu intaas ku daray inuu sameynayo tababar dheeri ah si uu u tuso Emery inuu u qalmo inuu ka mid noqdo haxda kooxda.

“Mesut waa ciyaaryahan hami leh” ayuu Kolasinac u sheegay Premier League Productions.

“Waqti xaadirkaan ma ahan mid faraxsan laakiin farxad daradiisa kuma muujiyo tababarka. Waxa uu sameynayaa wax walba uu awoodo. Waxa uu sameynayaa tababaro dheeri ah si uu u hubiyo inuu gaaro heerka looga baahan yahay.”