Real Madrid Iyo Barcelona Oo Shaaciyay Liiska Xiddigaha Ah U Ciyaaraya Kulamada La Liga Ee Sabtida

0
112

Vinicius Junior ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid kulanka ay habeen danbe la ciyaarayaan kooxda Real Betis laakiin Gareth Bale iyo James Rodriguez ayaa weli ka maqan kooxda.

Tababare Zidane ayaa sidoo kale u soo yeertay Álvaro Odriozola, Lucas Vázquez, Brahim Diáz iyo Mariano Díaz halka Bale uu dhaawac weli ku maqan yahay iyadoo James mar kale laga soo tagay ka dib markii uu ka soo laabtay safarkii uu ku aaday Colombia ee dhalashada canugiisa labaad.

Kulanka Betis ayaa noqonaya kulankii afaraad ee isku xiga ee Real Madrid ee uu seego Gareth Bale iyadoo kulankii ugu danbeysay ee uu kooxda u ciyaaro ay aheyd 5tii October oo ay la dheeleen Granada. Si kastaba weeraryahanka ayaa maanta oo Jimce ah ku soo laabtay garoonka tababarka.

Xiddigaha Real Madrid ee ka hortagaya Real Betis:

Goolhaye: Courtois, Areola iyo Altube.

Daafac: Carvajal, Militao, Ramos, Varane, Marcelo iyo Mendy.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde iyo Isco.

Weerar: Hazard, Benzema, Jovic, Vinicius and Rodrygo.

Dhanka kale tababaraha kooxda Barcelona ayaa isna magacaabay liiska xiddigaha uu kala hortagayo kooxda Levante kulanka berri oo Sabti ah ee horyaalka La Liga.

Ousmane Dembele oo dhameystay ganaax labo kulan ah oo uu ku maqnaa ayaa laga soo tagay isagoo aan dhaawac aheyn iyadoo Barcelona ay sheegtay in looga soo tagay arin farsamo aawadeed.

Samuel Umtiti ayaa isna weli ka maqan Barcelona isagoo dhaawac ka soo kabsanaya inkastoo uu tababarka ku soo noqday.

Xidigaha kale ee laga soo tagay waxaa ka mid ah Wague iyo Alena. Halka da’ yarta Ansu Fati iyo Carles Perez loo soo yeeray.

Xiddigaha Barcelona ee ka hortagaya Levante: Khad Dhexe: Rakitic, Busquets, Arthur, Sergi Roberto, De Jong, Arturo Vidal

Weerar: Suarez, Messi, Griezmann, Carles Pérez iyo Ansu Fati