Ubad qaba xanuun naadir ah oo waalidkii ay isbitaalka kaga dhuunteen

0
243

Ilmo yar oo qaba xaalad caafimaad oo qasbaysa in aan qoraxda loo dhaweynin ayaa looga tagay isbitaal ku yaalla dalka Talyaaniga, sida ay warbaahinta tabinayso.

Ilmahan oo 4 bilood jira, laguna magacaabo Giovannino ayaa qaba xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo harlequin ichthyosis, waxaana sababa maqaarka qofka oo engega.

Kalkaaliyeyaasha isbitaalka ayaa ilmahan xanaanaynayay tan iyo markii uu dhashay bishii Agoosto, balse waxaa looga baahanyahay in isbitaalka laga saaro muddo todobaadyo gudahood ah .

Shaqaalaha caafimaadka kama warhayaan sababta waalidka ilmahan ay uga tageen ubadkooda sida uu qorey wargeyska La Stampa.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in shaqaalaha ay ku kaltamayaan xanaanayntiisa, iyaga oo rajaynaya in qol gaar ah loo heli doono.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa raadinaya waalidiinta ilmahan yarka ah , waxa ay sidoo kale raadinayaan guri cunuga lagu hayo.

Intii uu isbitaalka ku jiray waxaa lagu hayay qeyb gaar ah, iyada oo lagu xirey qalab si jirkiisa uusan u qalalin, una dildilaacin.

“Waa ilmo yar oo farxaan ah, wuuna jecelyahay in la wadwado” ayay tiri Daniele Farina oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka sida uu tabiyay wargeyska La Repubblica.

Saacado kadib markii warkan ay jaraa’idka tabiyeen, waxaa isbitaalka soo wacay dad badan oo doonaya in ay iyagu la wareegaan ilmaha si ay u korsadaan.

Mas’uuliyiinta magaalada Turin ayaa sheegay in ay qiimeynayaan codsiyada dadka uga yimid.

Xaaladan caafimaad ee ilmaha heysata ayaa la sheegay in ay tahay mid saamaysa halkii milyanba hal qof, waxaana ugu wacan waxyaabo ka qaldama hiddo sidaha qofkaas.

Xanuunkan ayaa xitaa bedeli kara muuqaalka guud ee qofka, gaar ahaan wajiga iyo meelaha muuqda, iyada oo uu qofka dareemi karo xanuun marka uu dhaqdhaqaaq samaynayo.