10 sano kadib qaraxii ka dhacay Hotel Shamow.

0
90

Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan.

3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax.

Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray dadka.

Senator Pro Osman Mohammud Dufle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada banaadir, islamarkaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday ayaa waxaa uu ka sheekeynayaa maalintaasi wixii ka dhacay Hotel shaamow.